يناير 2017


Xadiithkaani waxaa uu ka hadlayaa acmaasha la sameeyo in ay ku xirantahay niyada ...
عن أمير المؤمنين أبي حفص عمر بن الخطاب  -رضي الله عنه- قال: سمعت رسول الله -صلى الله عليه وسلم- يقول: "إنما الأعمال بالنيات، وإنما لكل امرئ ما نوى، فمن كانت هجرته إلى الله ورسوله، فهجرته إلى الله ورسوله، ومن كانت هجرته لدنيا يصيبها أو امرأة ينكحها، فهجرته إلى ما هاجر إليه. 

Amiir mu'miniin oo ah Aabaha Xafsa oo la yiraahdo Cumar Bin Khadaab Allaah Ka Raali Noqdee, waxaa uu yiri waxaan Maqlay Rasuul naxriis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee asigoo oranaya "Acmaasha waa niyo, qof walbana wuxuu ahaaday niyadiisa, qofkay hijradiisu ahaatay ilaaheey iyo rasuulkiisa xagooda, hijradiisu waxay ahaanaysaa alle iyo rasuulkiisa xagooda, qofkey hijradiisu ahaatay aduunyo in uu helo ama haweeneey uu guursado, hijradiisa waxay ahaatay waxa uu usoo haajiray"

Quraanka Kariimka ayaa ah kitaabka ugu wayn uguna fadliga badan kutubada uu ilaaheey (SW) kasoo dajiyay samada, waana mucjisadii uu ilaaheey siiyay nabigeena Muxamed (SCW), waxaa uuna quraanka nabigeena Muxamed (SCW) kusoo daganayay mudo gaareyso 23 sano, aayada ugu horeysana ee ku soo dagata waxaa ay ahayd suurada IQRA aayadeedii koowaad oo ah(( إِقْرَأ بِاسم رَبِكَ الخلَق )), waxaa uuna Quraanka soo dagidiisii ku bilaambay rasuulka habeenka loo yaqaano "LAYLATUL QADRI" oo kamid ah bisha Ramadaan, asigoo rasuulkeena Muxamed (SCW) ku cibaadeysanayay godka loo yaqaano "GAARU XIRAA" "غار حراء" .Quraanka Kariimka ayaa ka kooban 30 Juz iyo 60 Xizab, Suuradihiisuna waa 114 suuradood, waxaa ayna quraanka suuradihiisii u qaybsamaan labo qaybood oo kala ah "MAKKI" oo laga wado suuradaha magaalada Makka ku soo dageen ka hor rasuulka intuusan usoo hijroonin magaalada madiina, iyo "MADANI" oo ayadana loola jeedo suuradaha kusoo dagtay magaalada madiina, kadib markuu rasuulka usoo hijrooday magaaladaasi, waxaa uuna quraanka ka bilaambaa suurada Faatixa, waxaa uuna ku dhamaadaa suurada AL-NAAS.

QAAR KAMID AH FADLIGA LAGA HELO AQRINTA QURAANKA:
1:  Qofka quraanka aqrinaya waxaa uu helayaa ajir badan, waxaa uuna ilaaheey u laba laabayaa xasanaadkiisii, waxaa uuna sidoo kale ilaaheey ajir ku siinaya xaraf kasta uu aqriyo.
2:  Qofka quraan aqriska badan, waxaa uu ilaaheey u koryeelayaa darajada uu janada ku leehay 
3:  Qofka quraan aqriska badan waxaa uu ilaaheey ka badbaadinayaa cadaabta qabriga.
4:  Qofka quraan aqriska badan waxaa ku soo dagaysa naxriis iyo xasilooni, sidoo kale guriga quraanka lagu aqriyo ehelkiisii waxaa ay dareemayaan xasilooni iyo nabdgalyo.
5:  Quraanka ayaa daawo u ah cuduro badan oo aan lasoo koobi karin.
6:  Waxaa uu ilaaheey (SW) qofka quraanka xifdisan walidiintiisii maalinta qiyaamo u xirayaa taaj.



Sh.Maxamuud Khaliil Al-Xusari ayaa kamid culumida quraanka akhrisa kuwoodii ugu cansan, waxaa uuna ahaa shakhsigii ugu horeeyay ee Quraanka Kariimka ah duubay, 
Sh.Maxamuud Khaliil Al-xusari ayaa waxaa uu leeyahay cajalado badan kuwaasi oo looga duubay Quraanka qiraa'ooyiinkiisii kala duwan,

DALASHADIISII
Sh. Maxamuud Khaliil Al-Xusari Waxaa uu dhashay bisha Dul-Xija sanadkii 1335tii Hijriga Kuna beegnayd bisha September oo mareysay 17 sanadkii 1917, waxaa uuna ku dhashay tuulo lagu magacaabo "Shibra Al-namla" oo ku taala dalka Masar.

NOLOSHIISII
Sh. Maxamuud Khaliil Al-Xusari waalidkiisii ayaa waxaa uu galiyay meel quraanka lagu xifdiyo oo ku taala magaalada "Dhandhaa" ee dalka Masar, waxaa uuna quraanka ku xifdiyay asiga oo da' ahaan gaaray 8sano, kadib markuu gaaray 12 sano waxaa uu ku biiray machad diini oo ku yaalay magaalada "Dhandhaa" ee dalka Masar, waxaa uuna tobanka qiraa'o ee quraanka uu ku bartay jaamacada "Al-AZHAR" ee ayadana ku taala dalka Masar, waxaa uuna shahaado ka qaatay tobanka qiraa'o ee quraanka, waxaa uuna lahaa cod aad u qurux badan.

MKRdezign

نموذج الاتصال

الاسم

بريد إلكتروني *

رسالة *

يتم التشغيل بواسطة Blogger.
Javascript DisablePlease Enable Javascript To See All Widget