Inta aanan u gadi galin qoraalka, waa muhiim in waalid kasta uu ogaado sadaxdaan qodob:
# Caruurtu ogaan iskuguma kaadshaan ama isuma-wasakheeyaan
#
Waxaa lagu qiyaasay in afartiiba mid, caruurta saddex jirka ah iyo
lixdiiba mid, caruuurta 5 jirka ahi ay si ku celcelis ah isku kaadshaan
#
Waxaa laga yaabaa in isku kaadintu tahay calamad dhibaato jidhka ah,
laakiin ilmahaagu wakhtigiisuu ku baran doonaa inuu kaadida xagsado
Calaamadaha Digniinta:
Waxaa laga yaabaa inayna waxba jirin, lakiin ilmahaagu ma u muuqdaa inuusan faraxsanayn?
Miyiyjiraan dhibaato ka taagan qoyska, mise waxaa jira waxyaalo walaac galinaya ilmaha?
Waxa aad sameyneyso:
Is-daji hadii ilmahaagu isku kaadsho ama isku xaaro.
Isku day inaad hubiso in ilmahaagu kaadsho ama isku xaaro wakhti gaar ah.
Hubi in ilmahaagau galo musqusha in yar ka hor intuusan tagin sariirta.
Hadii aad walaacsan tahay kala xaajood dadka caafimaadka aqoonta u leh.
Maxaa kula gudboon?
Sii
fursad ilmahaaga uukaagala sheekaysto dareenkiisa, isku day inaad is
dajisid, isna dabci adidoo tusin calaamad muujineysa walaac.
Ha maagin ilmahaaga haddii uuna seexan habeenkii ama haddii uu isku kaadsho.
Isku day inaad fahanto siduu waxu dareemayo iyo haddii uu ka walaacsan yahay isku kaadinta.
Sidee looga hortagi karaa?
Hubi in ilmahaagu ogsoon yahay inuu kaala sheekeysan karo wixii walaac ah ee haya.
Haddii
aad u baahan tahay talooyin ku saabsan arrimaha aad samayn karto si aad
u joojiso isku kaadinta, kala xaajood wixii walaaca ee jira dhakhtarka
qoyska ama kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga.
Sidee baan u caawin karaa ilmahayga?
1- Tunjiga lagu tababarto:
Waxay u badan tahay in ilmahaagu barto sida loo xejiyo haadida haddii aanad ka walwalin kaadida isna dajiso.
Waxaad
xasuusataa, in ilmahaagu ku baranayo intii itaalkiisu yahay adigoo
amaana ilmahaaga halkii aad ka ciqaabi lahayd, ayaa caawineysa.
Inta u
dhaxaysa saddex ilaa afar jirka waxay u badan tahay in ilmahaagu
qalalan yahay maalintii, marmar ay ka baxsato maahee, waxaad niyada ku
haysaa inuusan jirin isbadal dhakhso ahi, lakiin waxaa xigi doona in si
tartiib ah habeeno badani qalayl ahadaan.
2- Dhakhtar la tasho:
Ma
sahlana in la ogaado waxa caruurta qaarkood ay ugu qaadato wakhti ka
dheer kuwa kale inay noqdaan kuwa qalalan. Hase yeeshee isku kaadintu ma
aha mid caajisnimo ama awood la'aan ay sabab u tahay.
Caruurta qaarkood, xaqiiq ahaan lixdiiba mid toddoba jirrada way isku kaadshaan.
Inkastoo
laga yaabo inay kadeed u tahay adiga iyo ilmahaaga, isku day inaad u
dhulqaadato; way yartahay il ilmo ogaan isugu kaadsho ama
isu-wasakheeyo.
Haddiiilmahaagu todoba sano jir dabadeed uu sii wado
inuu si joogto ah isku-kaadsho, waxaa laga yaabaa in ay dhibaatada ay
sababayaan dhow arrimood. Ilmahaaga arrintan kala hadal, waxaadna u
sheegtaa in caruuro ka waaweyn ay arrintaani ku timaado. Kala
munaaqishood wixii walaaca aad ka qabti ilmahaaga dhakhtarka ilmaha.
FG: Warbixintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Websit-ka Somalidoc.com
إرسال تعليق