Waa maxay Dhanaanow?
Dhanaanowgu waa dhir kamid ah khudaarta caleenta ah, waxaana geedkaani lagu beeraa dhulalka dhoobada aha, waxaana Dhanaanowga si aad ah looga yaqaanaa wadamada carabta aydoona sidoo kale wadamda kale ee caalamkana laga helo, waxaana geedkaani uu u shabahaa khudaarta noocyadeedii kale ee caleenta ah, sida Ansalaatada, Bagalka, Koostada iyo kuwa lamid ah, waxaana inta badan geedkaani caleentiisa la cunaa asigoo cayriin ah. waxaana inta badan beerta laga soo gooyaa in uusan ubax soo bixinin, Dhanaanowga ayaa u qaybsama labo qaybood oo kala ah mid dhadhankiisa uu macyahay una dhadhan dhow sida dhadhanka Barbarooniga oo kale iyo mid dhadhankiisa uu dhanaan yahay , waana nooca inta badan Soomaaliya laga helo.waxaana dhanaanowga laga helaa fitamino iyo macdan badan.
Qaar kamid ah Maadooyiinka ama macdanta iyo fitaminada laga helo dhanaanowga:
Water(biyo)
Energy
Protein
Fats
Carbohydrates
Dietary fiber
Iron
Magnesium
Phosphorus
Potassium
Sodium
Zinc
Vitamin C
Thiamine
Riboflavin
Niacin
Vitamin B-6
Folate
Vitamin A
Vitamin K
Faa'idooyiinka Uu Leeyahay Dhanaanowga:
Dhanaanowga ayaa leh faa'idooyiin badan waxaana inta badan lagu daaweeyaa cudurda ku dhaca maqaarka, sida in uu maqaarka waqti hore uu bololo ama uu duqoobo.
إرسال تعليق