Sirta Caafimaad Iyo Shaaha Liinta Leh..


Shaahu wuu noocyo badan yahay faaidadiisana waxay ku xiran tahay hadba nooca caleenta la isticmaalay.
Shaahu ma lahan nafaqo tamar leh “calories”, oo qofka cayil ku kordhiya  sidaa awgeed shaaha kaliigiis hadii uu qofku joogteeyo kuma cayilo. Shaaha waxaa ku jira maadooyinka sunta saara ee loo yaqaan “antioxidants”  kuwaas oo jirka ka caawiya inuu iska saaro wixii aan faaido u lahayn. Maadooyinkaan waxay ka hortagaan noocyo ka mid ah kansarka.
Dhaqan ahaan shaaha waxaa lagu darsadaa sonkor iyo caano taasoo u kordhiso tamarta nafaqada leh “Calories”.. Haddii Sonkorta iyo caanaha lagu baddalo liin dhanaan waxay u kordhisaa faaidada nafaqeed iyo caafimaadka shaaha laga helo.
Liin dhanaanta waxaa ku jira fiitaamin C oo u fiican caafimaadka wadnaha iyo dadka qaba macaanka. Liinta waxaa kaloo ku jira macdano iyo fiitamiino kale waxaa ka mid ah  folate, potassium, magnesium iyo  thiamin.
Liin dhanaantu waxay shaaha u kordhisaa awoodda maadooyinka sun saarista. Shaaha madow waxaa ku jira maadooyin la yiraahdo “theaflavins” oo hoos u dhigi kara khatarta cudurka laleemada, wadne-qabadka iyo dhagaxaanta kilyaha.
Daraasad lagu sameeyay wadanka Jarmalka taasoo lagu daabacay “Joornaalka Wadnaha ee Yurub” ayaa waxaa lagu ogaaday in walxaha  loo yaqaan “Caseins” ee ku jira caanaha ay hoos u dhigaan awoodda sun saarista ee shaaha laga helo, sidaas darteed intii caano lagu darsan lahaa waxaa habboon in liin dhanaan lagu badalo, sababtoo ah waxay sii kordhinaysaa awoodda shaaha.
Dadka shaaha cabba ee raba inay cayilka iska ridaan iyo kuwa qaba macaanka waxaa lagula taliyaa inay sonkorta iyo caanaha ku badalaan liin dhaan.

FG: Warbaxintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Website-ka Daryeelmagazine.com
التسميات:

إرسال تعليق

MKRdezign

نموذج الاتصال

الاسم

بريد إلكتروني *

رسالة *

يتم التشغيل بواسطة Blogger.
Javascript DisablePlease Enable Javascript To See All Widget