Sh.Maxamuud Khaliil Al-Xusari ayaa kamid culumida quraanka akhrisa kuwoodii ugu cansan, waxaa uuna ahaa shakhsigii ugu horeeyay ee Quraanka Kariimka ah duubay,
Sh.Maxamuud Khaliil Al-xusari ayaa waxaa uu leeyahay cajalado badan kuwaasi oo looga duubay Quraanka qiraa'ooyiinkiisii kala duwan,
DALASHADIISII
Sh. Maxamuud Khaliil Al-Xusari Waxaa uu dhashay bisha Dul-Xija sanadkii 1335tii Hijriga Kuna beegnayd bisha September oo mareysay 17 sanadkii 1917, waxaa uuna ku dhashay tuulo lagu magacaabo "Shibra Al-namla" oo ku taala dalka Masar.
NOLOSHIISII
Sh. Maxamuud Khaliil Al-Xusari waalidkiisii ayaa waxaa uu galiyay meel quraanka lagu xifdiyo oo ku taala magaalada "Dhandhaa" ee dalka Masar, waxaa uuna quraanka ku xifdiyay asiga oo da' ahaan gaaray 8sano, kadib markuu gaaray 12 sano waxaa uu ku biiray machad diini oo ku yaalay magaalada "Dhandhaa" ee dalka Masar, waxaa uuna tobanka qiraa'o ee quraanka uu ku bartay jaamacada "Al-AZHAR" ee ayadana ku taala dalka Masar, waxaa uuna shahaado ka qaatay tobanka qiraa'o ee quraanka, waxaa uuna lahaa cod aad u qurux badan.
إرسال تعليق