FADAA'ISHA UU QURAANKA KARIIMKA LEEYAHAY...
Quraanka Kariimka ayaa ah kitaabka ugu wayn uguna fadliga badan kutubada uu ilaaheey (SW) kasoo dajiyay samada, waana mucjisadii uu ilaaheey siiyay nabigeena Muxamed (SCW), waxaa uuna quraanka nabigeena Muxamed (SCW) kusoo daganayay mudo gaareyso 23 sano, aayada ugu horeysana ee ku soo dagata waxaa ay ahayd suurada IQRA aayadeedii koowaad oo ah(( إِقْرَأ بِاسم رَبِكَ الخلَق )), waxaa uuna Quraanka soo dagidiisii ku bilaambay rasuulka habeenka loo yaqaano "LAYLATUL QADRI" oo kamid ah bisha Ramadaan, asigoo rasuulkeena Muxamed (SCW) ku cibaadeysanayay godka loo yaqaano "GAARU XIRAA" "غار حراء" .Quraanka Kariimka ayaa ka kooban 30 Juz iyo 60 Xizab, Suuradihiisuna waa 114 suuradood, waxaa ayna quraanka suuradihiisii u qaybsamaan labo qaybood oo kala ah "MAKKI" oo laga wado suuradaha magaalada Makka ku soo dageen ka hor rasuulka intuusan usoo hijroonin magaalada madiina, iyo "MADANI" oo ayadana loola jeedo suuradaha kusoo dagtay magaalada madiina, kadib markuu rasuulka usoo hijrooday magaaladaasi, waxaa uuna quraanka ka bilaambaa suurada Faatixa, waxaa uuna ku dhamaadaa suurada AL-NAAS.
QAAR KAMID AH FADLIGA LAGA HELO AQRINTA QURAANKA:
1: Qofka quraanka aqrinaya waxaa uu helayaa ajir badan, waxaa uuna ilaaheey u laba laabayaa xasanaadkiisii, waxaa uuna sidoo kale ilaaheey ajir ku siinaya xaraf kasta uu aqriyo.
2: Qofka quraan aqriska badan, waxaa uu ilaaheey u koryeelayaa darajada uu janada ku leehay
3: Qofka quraan aqriska badan waxaa uu ilaaheey ka badbaadinayaa cadaabta qabriga.
4: Qofka quraan aqriska badan waxaa ku soo dagaysa naxriis iyo xasilooni, sidoo kale guriga quraanka lagu aqriyo ehelkiisii waxaa ay dareemayaan xasilooni iyo nabdgalyo.
5: Quraanka ayaa daawo u ah cuduro badan oo aan lasoo koobi karin.
6: Waxaa uu ilaaheey (SW) qofka quraanka xifdisan walidiintiisii maalinta qiyaamo u xirayaa taaj.
Javascript DisablePlease Enable Javascript To See All Widget
إرسال تعليق