2017


Halkani Taabo
Cilmi-baadhis dhawaan la sameeyay ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay cunidda midhaha muus ah maalintii si aad uga hortagto cudurada indhaha gaar ahaan indho la’aan.
Cilmi-baadhayaalkan ayaa waxa ay ogaadeen in muuska ay ku jirto maadada “carotenoid” ee siisa khudarada labadeeda nuuc midabka,iyada oo sidoo kale uu ku jiro vitamin “A” oo muhiim u ah badbaadada iyo shaqada indhaha iyo beerka.

Sida laga soo xigtay cilmi-baadhis hore, cuntooyinka ay ku jiraan heerarka sare ee maadooyinka “carotenoids”waxa ay sidoo kale ka caawiyaan ka ilaalinta cudurada daba dheeraada, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kansarka, cudurrada wadnaha, macaanka iyo kuwa xididdada dhiigg mareenada.

Daraasadan ayaa waxa ay muujisay in muusku uu qani ku yahay maadadooyinka “carotenoids” (A) kuwaasoo ah qaybaha ku siinaya marka uu aad kaaga yaraado vitamin “A”.


FG: Warbaxintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Website-ka Daryeelmagazine.com


Sinjibiishu waxa ya ka mid tahay dhirta dhaqan ahaan iyo cilmi ahaanba la isla qirsan yahay in dawo ahaan loo isticmaali karo, taariikh ahaanna muddo dheer ayaa uu aadamuhu geedka Sinjibiisha u isticmaalayey dawo ay kula tacaalaan xanuunno badan. Dhinaca kalana cilmiga casriga ahi waxa uu qirsan yahay in dawo dhireedka la hubaa ay ka tayo badan tahay dawada sancayska ah kana khatar yar tahay maadaama oo aanay ku jirin isku-dhisyo kiimiko ahi.
Macaanka:
Daraasado caafimaad oo kala duwan ayaa dadka macaanka qaba kula talinaya in ay cabbaan cabbitaan ka samaysan sinjibiisha, kadib markii la ogaaday in koob sinjibiil karsan ah oo subaxdii la cabbaa uu hoos u dhigo heerka macaanka dhiigga ku jira.
Caloosha
Sinjibiishu waxa ay awood u leedahay in ay caloosha ka saarto naqaska (Gaasta) waxaana la aaminsan yahay in ay tahay geedka ugu fiican dhinaca dabiibista khalkhal caloosha ku yimaadda. Sidoo kale Sinjibiishu waxa ay dabcisaa muruqyada caloosha, waxa aana loo isticmaali karaa daweynta bakteeriyada keenta shubanka.
Caafimaadka wadnaha:
Sinjibiishu waxaa loo adeegsan karaa xoojinta caafimaadka wadnaha, maadaama oo ay yarayso heerka dufanka (Kalastaroolka) ee dhiigga ku jira, kaas oo khatar ku ah wadnaha, xididdada dhiigga iyo guud ahaan caafimaadka qofka. Sidoo kale sinjibiishu waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga, taas oo ka dhigaysa hormoodka dhirta iyo caleenta kala duwan ee caawiya xoojinta caafimaadka wadnaha.
Digniin: In kasta oo ay sinjibiishu dhiigga ka ilaaliso in uu guntamo, taasina ay u fiican tahay dadka dhiigkarka qaba ama miisaankoodu badan yahay, haddana waxa ay khubarada baadhitaannada ku sameeyey ka digayaan in aad ay jidhka ugu badato si aanay meesha uga wada saarin xinjirowga dhiigga oo muhiim ah.
Hargabka iyo dhaxanta:
Faa’iidooyinka caafimaad ee sinjibiisha waxaa ka mid ah in ay xoojiso hab-dhiska difaaca ee qofka, Sinjibiishu waxa ay badisaa dhididka, dhidid badan oo qofka ka yimaaddaana waxa uu ka mid yahay dawooyinka dabiiciga ah ee qabowga iyo hargabka.
Ka hortagga Kansarka:
Cilmibaadhis ay samaysay Xarun Kansarka ka shaqaysa oo ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in sinjibiisha budada ahi, ay disho unugyada kansar ee gala ugxaanta dhalmada.
Daraasado kalana waxa ay daahfureen in sinjibiishu ay si weyn u curyaamiso koritaanka unugyada Kansar ee midhicirada. Dhinaca kalana waxa ay khubarada isku-daweynta dhirtu caddeeyeen in sinjibiisha loo isticmaali karo daweynta caabuqa xubnaha. Laf dhabarta oo saliid Sinjibiil lagu duugaana waxa ay caawisaa in xanuunku uu ka yaraado qofka.
Dhimista miisaanka.
Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan Maxadka nafaqaynta jidhka oo hoos taga jaamacadda Columbia ee dalka Maryakanka ayaa sheegay in Sinjibiisha oo lagu daro cabbitaannada kulaylka lagu cabbo ay sababto in qofku uu dhaqso u dareemo dhereg, kana hortagto in uu xilliga kan xiga cuno cunto badan, halkaas ayaana ay ka imanaysaa fikirka ah in sinjibiishu ay dhimmi karto miisaanka. Intaas waxaa dheer in sinjibiishu ay caawiso gubista dufanka jidhka ku jira iyo miisaan dhimista. Isla daraasaddaas jaamacadda Columbia waxa kale oo lagu ogaaday in sinjibiishu ay xakamayso ama yarayso amateedka (Doonista cuntada) taasina ay qayb libaax ka qaadataa dhimista miisaanka.
Ugu dambayntiina sinjibiisu waa ay saamayn fiican ku yeelataa heerkulka jidhka, waxa aanay caawisaa kordhinta awoodda uu jidhku u leeyahay ka faa’idaysiga cuntada uu qofku qaadanayo, sidaa awgeed waxa ay gubi kartaa xaddi badan oo dufan ama xaydh ah.
Sinjibiisha iyo timaha:
Sinjibiishu waxa ay caawisaa in timuhu ay baxaan, waxa aanay kordhisaa wareegga dhiigga ee gaadhaya madaxa, taas oo ah sababta ay timuhu si fican ugu baxayaan. Waxa ay tayaysaa timaha oo ay awood iyo nafaqo ku filan siiso, ugu dambayntiina saliidda sinjibiishu waxa ay madaxa sii dabiici ah uga kaxaysaa toxobta.
Sinjibiisha iyo maqaarka:

Sinjibiisha waxaa ku jira illaa 40 isku-dhis oo la dagaallama in  falgallado aan sax ahayni ay jidhka gudihiisa ka dhacaan, kuwaas oo qofka ka ilaaliya gabowga, sunta ay ka soo saarayaan maaddooyinkaas iyo firfircoonida wareegga dhiigga ay gelinayaanna ay qurxiso maqaarka, maadaama oo uu jidhku helayo xaddi badan oo ah maaddooyin nafaqo. Sinjibiishu waxa ay qofka u ilaalisaa muuqaalka dhalinyaronimada, maqaarkiisana waxa ay ka dhigtaa mid dhalinyaro. Ugu dambayntii sinjibiisu waxa ay ka hortagtaa findoobka, waxa aanay nadiifisaa bakteeriyada keenta.

FG: Warbaxintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Website-ka Daryeelmagazine.com


Ilkaha bani adamka quruxdooda waxay kujirta inay midabka cad ay lahaadaan markasta, waana meelaha ugu muhiimsan ee qofka muuqaalkiisa laga qiyaas qaato , qofka kula hadlaaya si toos ah waxa uu ufiirinaya ilkahaaga iyo afkaaga hadaba si aad u ilaashato dhoolacadeyntada qurxoon iska yaree qaadashada cabitanadaan iyo cuntooyinkan soo socda :
1-Shaaha: 
Inkasta  cabbida shaaha waa mid aad u wanaagsan caafimaad ahaan, laakiin waxa ay u keentaa  ilkaha midab jaale ah , gaar ahaan shaaha madow, cilmiga casriga ah ayaa muujinaya in  shaaha iyo noocyadiisa  kala duwan uu keeni  karo nabaad guurka dhaldhalaalka dahaarka kore ee lafta iliga .
2. Suugada:
In kastoo ay dhadhan keedu macyahaye laakiin Suugooyinka midabka buuxan leh waxay ukeenta  ilkaha madow toos ah, sidaa darteed hubi inaad doorato noocyada kale ee suugada la midab ah iftiinka iyo in la hubiyo  in ay ilkaha ka dhaqmayan  cunista kadib
3. cabitaanka Sportska:
Cabitaannada leh  acidic ( ashito) ilkaha jaale ayay ka dhigaan , baaritaanada casriga ah ayaa muujinaya in cabitaanada tamarta  ee isboortiga ay  ukeeni karaan  dhaawaca  dhaldhalaalka iliga , marka iskuday  inaad yareeyso qaadashada  sharaabkaas, hadii kale waxaad  ku bedeli kartaa biyo caadi ah, maxa yeelay biyaha caadiga ah waxay ufiicanyahiin   caafimaadkaaga guud  waxyeelo ilkahana uma gaystaan
4. Miraha Midabka Leh:
Midhaha midabka u saaxiib ah sida rummanka iyo cinabka ,kuwa lamidka ah waxa ay ka koobanyihiin maadooyin baddala dahaarka kore ee ilkaha ,waxaa lamid ah sida cabitaanada laga sameeyo miraha aan soo xusay kuwaas oo ilkaha ku reeba dhibco madmadow leh oo aan tirmayn sidaas darteed waxaa lagaga baahanyahay inaad dhaqdo ilkahaada markaad cabto cabitaanada kadib si aad u ilaashato ilkahaada midabkooda iyo xoogooda
5. Macmacaanka:
Hadaad tahay qof jecel inuu cuno markasta waxyaabaha macmacaan sida (kake) iyo xalwooyinka qaarkood oo midabka leh waxay badali karaan samaysanka quruxda ilkahaada sidaasi darteed ilaali caafimaadka ilkaha

Talooyin ugaar  ah caafimaadka ilkaha:
  • Isitcmaaldaawooynika ilkaha lagu luqluqdo oo ukeena afka carafta iyo dhaldhalaalka ilkaha
  • Markaad cunayso raashinka isku day inaad ulaqdo si dhakhso leh maxaa yeelay waxaad ka hortagaysa raashinka inuu ilkahaada ku nagaado waxbadan
  • Cadayso ilkahaada waqti kasta iyo goor kasta waa talada ugu wanaagsan ee u roon caafimaadka ilkaha.
FG: Warbaxintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Website-ka Daryeelmagazine.com


Daraasad Mareykanka ayaa lagu ogaaday in dadka si joogta ama nidaamsan u cabba bunka ay yartahay in ay u dhintaan sababo badan, oo ay ka kamid tahay cudurada wadnaha iyo macaanka, marka la barbar dhigo kuwa bunka aanan waligood cabbin gabi ahaan.
Mar kaste oo ay cabaan bun dheeraad ah ka qayb-galayaasha daraasaddan waxa yaraatay halista dhimashada , waxa kale oo ay muujiyeen kuwa isticmaala bunka aynan ku jirin maadada caffeine ka xaalad lamid ah tan.
Erika Ovifeld oo cilmi baadhe sare ka ah macadka qaran ee kancarka (National Cancer Institute) ee Rockville ee gobolka Maryland ayaa sheegtay in ay ku jiraan bunka maadooyin firfircooni u leh noola ah,waxana kamid ah potassium, acidka phenolic iyo caffeine.
Waxay ay ku sheegtay fariin ay usoo dirtay wargayska ’’Reuters’’ in daraasado badan oo la sameeyay ay ku soo gunaanadeen isticmaalka bunku in uu si guud xidhiidh ula leeyahay hoose dhigida halista cudurada wadnaha.
Cilmi baadhayaashan ayaa waxa ay isticmaaleen xogta baadhitaano hore oo koobsatay 90 317 oo qof oo aynan taariikhdooda ku jirin in uu haleelay kansarku ama cudurada wadnaha, waxana dabagal lagu hayay xaaladahooda intii u dhaxeysay 1998 ilaa 2009, iyada oo loo dejiyay qaadashada qiyaasta bunka ee maalin kasta ay isticmaalayeen,waxana barbar socday faahfaahino kale oo la xidhiidha caafimaadkooda iyo nidaamkooda cunto.
Sanadkii 2009 ayaa waxa dhintay 8700 qof ,ka dib markii arrimo kale lagu daray xisaabta ,sida isticmaalida sigaarka ,ayaa waxa ay ogaadeen baadhayaalkani in kuwii Cabbayay bunka ay yaraatay in ay haleesho dhimasho intii lagu guda jiray daraasadda markii la barbar dhigay kuwii aanan cabbaynin.



FG: Warbaxintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Website-ka Daryeelmagazine.com


Waa maxay Dhanaanow?
Dhanaanowgu waa dhir kamid ah khudaarta caleenta ah, waxaana geedkaani lagu beeraa dhulalka dhoobada aha, waxaana Dhanaanowga si aad ah looga yaqaanaa wadamada carabta aydoona sidoo kale wadamda kale ee caalamkana laga helo, waxaana geedkaani uu u shabahaa khudaarta noocyadeedii kale ee caleenta ah, sida Ansalaatada, Bagalka, Koostada iyo kuwa  lamid ah, waxaana inta badan geedkaani caleentiisa la cunaa asigoo cayriin ah. waxaana inta badan beerta laga soo gooyaa in uusan ubax soo bixinin, Dhanaanowga ayaa u qaybsama labo qaybood oo kala ah mid dhadhankiisa uu macyahay una dhadhan dhow sida dhadhanka Barbarooniga oo kale iyo mid dhadhankiisa uu dhanaan yahay , waana nooca inta badan Soomaaliya laga helo.waxaana dhanaanowga laga helaa fitamino iyo macdan badan.

Qaar kamid ah  Maadooyiinka ama macdanta iyo fitaminada laga helo dhanaanowga:
Water(biyo)
Energy
Protein
Fats
Carbohydrates
Dietary fiber
Iron
Magnesium
Phosphorus
Potassium
Sodium
Zinc
Vitamin C
Thiamine
Riboflavin
Niacin
Vitamin B-6
Folate
Vitamin A
Vitamin K

Faa'idooyiinka Uu Leeyahay Dhanaanowga:
Dhanaanowga ayaa leh faa'idooyiin badan waxaana inta badan lagu daaweeyaa cudurda ku dhaca maqaarka, sida in uu maqaarka waqti hore uu bololo ama uu duqoobo.


Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’aadamka balse dad badan aanan aqoon qiimaha uu leeyahay baamiyaha, waa geed aad uga baxa dalkeena laguna beerto labada wabi inta u dhaxayso.

Nafaqada baamiyaha:

Baamiyaha waxaa aad uga buuxo vitamino iyo macdano, waxaa ka mid ah vitamin A, B, C, E, iyo K, Macdanaha calcium, iron, magnesium, potassium, iyo zinc.

Waxtarka Caafiimaad ee Baamiyahu uu Leeyahay:

Caafimaadka Dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, waxaa ka buuxo “fiber” wuxuu yareeyaa calool istaagga, dibirada, gaaska, iyo shubanka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.
Kobcinta Aragga: Baamiyuhu wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo iyo xanuun indhaha ku dhaco oo loo yaqaano “Macular Degeneration”, cilladani waxay timaadaa marka uu qofku duqoobo. Baamiyaha waxaa kaloo ka buuxo vitamin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah arragga iyo caafimaadka indhaha.
Caafimaadka Maqaarka: Baamiyaha waxaa ku badan vitamin A iyo maadooyinka jirka sunta ka saara ee loo yaaqan “antioxidants” kuwaas oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Baamiyuhu waxuu yareeyaa finanka iyo astaamaha dhakso u duqoobista sida maqaarka oo kaduud yeesho.
Difaaca jirka: Baamiyuhu wuxuu kor u qaadaa shaqada unugyada difaaca jirka, waxaa ku badan vitamin C kasoo firfircooni ku abuuro unugyada cad ee jirka ka difaaca caabuqyada kala duwan.
Caafimaadka wadnaha: Baamiyuhu wuxuu qani ku yahay vitamins iyo macdano muhiim u ah wadnaha, waxaa ku jirta macdanta potasium oo awood u leh inay hoos u dhigto cadaadiska dhiiga ee sarreeya, waxayna ka hortagaa xinjirowga iyo gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis).
Caafimaadka Uurka: Baamiyaha waxaa ku jirta maadada la yiraahdo Folate ama Folic Acid oo caawiso koriimada uurjiifka, Sidoo kale maadadani waxay hooyada uurka leh ka difaacda dildilaaca maqaarka xiliga ay xamilada tahay.



FG: Warbaxintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Website-ka Daryeelmagazine.com


Sisinta waa miraha ugu qadiimsan ee saliidda laga dhaliyo oo uu bani aadamku bartay.Waxa ay ka bixi jirtay meelo badan oo dunida kamid ah muddo ka badan 5000 sano. Dalaggan waxa uu taariikh u leeyahay awooddiisa ah inuu ku koro dhul ay adagtahay inay ku baxaan miraha kale ee la beerto; waana dalag adag oo kaalmo badan uga baahneyn beeraleyda, kuna kori kara dhulka qallalan, kulul ee leh dhadada marka ay tagaan dabeylaha mansoonka, ama xataa marka uu xilliga roobka baaqdo ama roobab mahiigaan ah da’aan. Waana miraha ku kori kara lama degaannada. Sisinta waxaa loogu yeeraa miraha badbaadada.


Sisinta waa miro laga dhaliyo saliid taasoo inta badan xadaaradihi soo maray dunida siyaabo badan loogu tilmaamay, sida masaaridii hore oo u yaqiin sesemt, waxa ayna ka mid aheyd dawooyinka ay faraacinnadi u isticmaali jireen daweynta. Sidoo kale xadaaradihii Babiliyiinta iyo Hindida ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.
Nafaqadeeda:
Sisinta waxaa ku jira inta badan nafaqada uu ubaahanyahay bani aadamka ama guud ahaan noolaha, waxaa ku jira noocyada carbohydrates, proteins (gaar ahaan amino acids), dux ama fats, biyo, vitamin C, macdanta sida; Calcium, Iron, Magnesium, Phosphorus, Potassium, Sodium, Zinc.
Sisinta waxa ay leedahay saliidda ugu badan ee dhir laga dhaliyo. Waxa ayna ka mid tahay saliidaha ugu adkeysiga badan ee aan dhakhso hallaabin, waayo waxa ay leedahay xaddi aad usareeya oo antioxidants dabiici ah. Saliid macsarada sida saliidda gabal dayaha waxa ay qani ka tahay Omega 6 fatty acids. Sisinta waxaa kale oo ay qani ka tahay protein ka, iyadoo 25% miisaankeeda uu yahay borotiin. Murufka ka soo hara marka saliidda laga saaro ama soomaalidu utaqaan maankaal 35 ilaa 50% waxa uu ka koobanyahay borotiin, waxaa kale oo uu leeyahay waxtar carbohydrate iyo isagoo leh antioxidant biyaha ku milmi kara, kaasoo ka dhigaya inay muddo dheer aalli karto. Sidoo kale maankaalka waxa uu waxtar fiican uleeyahay quudinta xoolaha iyo digaagga.
Waxtarkeeda caafimaad:
Sisinta waxaa ku jira maaddada loo yaqaan phytosterols  oo la socota hoos udhigidda heerka dhiigga ee kolistaroolka. Waxayna qani ku tahay kaalsium, sidaa awgeed waxay ku habboontahay dadka qaba cudurrada lafaha ku dhaca sida: Osteoporosis. Nafaqada ku jirta sisinta waxa uu jirku nuugi ogyahay haddii la shiido ama la ridqo intaan la cunin. Sisinta waxaa lasheegay inay waxtar fiican u leedahay indhaha nafaqooyinka ku jira awgeed.
Waxaa jira qisooyin fara badan oo ka hadlaya sisinta iyo sidi dadyowgi hore ay ka aaminsanaayeen, tusaale ahaan, sida ay qortay Positive Health Magazine ; dumarka baabiliyiinti hore waxay cuni jireen isku dhis ka kooban malab iyo sisin si ay ugu da’ yaraadaan quruxdoodana usii joogto, halka ciidamadi Romanki hore ay cuni jireen isku jirtaas si ay uga helaan adkeysi jireed iyo tamar.
Maxaa loo adeegsadaa macsarada?
Cuntada:
Saliid macsarada waxaa ilaa waqti hore loo adeegsan jiray cuntada, waxayna leedahay caraf u gaara, waxaa loo adeegsan karaa karinta cuntada noocyadeeda kala duwan.
Dawo:
Xilliyada haweeneyda uu hayo xanuun la socda caadada saliid macsarada waxaa la mariyaa caloosha qeybteeda hoose si ay u khafiifiso xanuunka ka dhasha murqaha caloosha giigsanaantooda, waxaa kale oo uu aad u socodsiiyaa dhiigga caadada.
Maqaarka:
Macsarada waxa ay ka mid tahay maaddooyinka dabiiciga ah ee maqaarka siiya dhal dhalaal, waxaana la isticmaalaa marka maqaarka abaareysto ama jafaaf ku dhaco. Waxaa kale oo uu aad waxtar u leeyahay marka maqaarka xasaasiyad ama cuncun ku dhaco iyo qolofta dul fuusha xasaasiyadda kaddib.
Masaaj:
Macsarada waxaa loo isticmaalaa daliigga ama masaajka, waxa uuna dareen firfircooni geliyaa jirka, maqaarka wuu jilciyaa, jirkana waxa uu siinayaa dhal dhalaal aad u bilicsan.
Wadnaha:
Macsaradu waxa ay firfircooni gelisaa halbowlayaasha dhiigga taasoo keenta inay baa ba’aan kolistaroolka markaa isku uruursanaya gidaarka halbowlaha. Sidoo kale waxa ay kordhisaa nashaadka wareegga dhiigga.
Macsarada waxyaabaha lagu tilmaamay waxaa ka mid ah inay hoos u dhigto cadaadiska halbowlayaasha, sida lagu sheegay diraasad lagu sameeyay 336 qof oo cadaadiska halbowlayaashoodu kacsanaa.
Macsarada waxay qani ka tahay waxa loo yaqaan unsaturated fatty acids oo dowr weyn ka cayaarta faya qabka jirkeena, gaar ahaan wadnaha.
Waxtar kale:
Macsarada waxaa kaloo loo isticmaalaa in lagu socodsiiyo caloosha, iyadoo saxarada jilcisa. Sisinta waxaa lagu sheegay waxtar fara badan, kitaabka lagu magacaabo Almuctamad lil-adwiyah waxaa lagu sheegay in sisinta ay kordhiso dareenka kacsiga iyo manidaba, dhiigga caadadana si fiican u shubto, waxaa kale oo ay wax ka tartaa neef xiranka iyo xanuunka neefta.
Raganimada:
Ninka marka uu gaaro lixdameeyo sano waxaa hoos u dhacayo xaddiga hormuunka raganimada ee loo yaqaan testosterone ilaa bar inti uu sameyn jiray dhalinyaranimadiisi, sidaa awgeed qaar ka tirsan dhaqaatiirta sida Dr. Lily Kindeblan waxa ay leeyihiin ninka waxa uu weynayaa inta u dhexeysa 1-2% hormuunka testosterone wixi ka dambeeya sanadka 35 jirka, hoos udhacaasne waa wax caadi ah, laakin qeyb ka mid ah raga oo 10 ilaa 15% gaareyso heerka hormuunka waxa uu hoos udhacayaa heer ka sareeya sida dabiiciga ah, taasoo soo dedejineyso inay soo baxaan astaamo jinsiga ah ama galmada la xariira iyo kuwo aan jinsiga la xariirin wixi ka dambeeya da’da kontomeeyada ama lixdameeyada .
Hormuunka raganimada ee testosterone waxaa soo saara unugyada leydig cells oo ku dhex yaal xiniinyaha ragga , dabadeedna nudaha jirka ayuu galaa isagoo sameysta receptors, sidaa awgeed waxa uu saameyn ku leeyahay murqaha, lafaha, qanjidhada iyo habdhiska dareen wadka dhexe (Central Nervous System ).
Hoos udhaca ku yimaad testosterone waxa uu keeni karaa astaamo fara badan sida kuwan hoos ku qoran oo noqon kara calaamado digniin ah:
Daal jir iyo maskaxeed, Xasuusta oo qasanta, Hurdo la’aan, Tabar yari murqaha ah, Niyad jab, Lafaha oo tabar yareeya, Miisaanka oo kor u kaca, Rabitaanka galmada oo hoos u dhaca ama xubinta taranka raga oo kici weysa, iyo kuwo kale. Calaamadahan waxaa kaloo lagu arki arkaa cudurro kale.
Haddaba da’da keliya ma keento hoos udhaca hormuunka raganimada, balse waxaa jira sababo kale oo keena, waxaana ugu weyn cuntada uu qofka cunayo oo aan dheeli tirneyn, aalamiito la’aan, maandooriyaasha noocyadooda kala duwan iyo cadaadiska qofka ka soo wajaha shaqada.
Wax Malaga qaban karaa hoos udhaca hormuunka testosterone?
Talooyinka soo socda wax weyn ayay ka tari karaan:
1.     Qaadashada cunto isku dheeli tiran oo ay ku jirto dufan maalin kasta, tamarta guud ee maalinlahana ka ah 30%
2.     Cunidda cunno uu ku jiro zinc xaddi dhan 5 ilaa 15mg maalinti, waxa ay kaa caawineysaa inuu jirka sameeyo hormuunno isu dheeli tiran oo kugu habboon
3.     Sameynta alamiito ama jimicsi heer dhexe ugu yaraan 3 jeer usbuuci
4.     Sameynta galmo haddii aad xaas leedahay, waayo waxa uu jirka ku dhiiri gelinayaa soo saaridda hormuunka, sidaa awgeed waxaa habboon in qofka xaas leh uunan ka safrin ama haddii uu safrayo uu horay uwato si caafimaadkiisa u dheeli tirnaado.
5.     Ka fogaashaha carada badan iyo cadaadiska nafta
Waxaa jira dawooyin lagu daweeyo hoos udhaca dareenka galmada ama rabitaankeeda balse taasi waxay ku habboontahay in qofku la tashado dhaqtar ku shaqo leh arrintaa.
Haddaba isu soo wada duuboo sisinta ayaa laga heli karaa dhammaan waxyaabaha kor ku xusan ee jirka siinaya dheeli tirnaan xag nafaqo ah, waxayna xoojisaa dareenka galmada, waxaana mararka qaar lagu sheegaa inay ahaan jirtay waayihi hore dawada lagu xoojiyo galmada sida maanta dawada loo yaqaan fiyaagra.
Dadkeena soomaaliyeed waxaan talo ahaan u jeedi lahaa inay ka faa’iideystaan sisinta iyo wax kasta oo laga sameeyo, waayo waxaa layaab leh dad dalkooda lagu beero cunnooyinka ugu nafaqada badan dunida sida sisinta oo misna macluuli leyso sanad kasta. Sisinta nooc kasto oo loo sameeyaba nafaqada way ku jirtaa, ama saliid ka sameyso ama mac macaan ka dhigo ama cabitaan ka dhigo, balse markasta waa inaan niyadda ku haynaa sisinta ma lahan haraa nafci la’aan ah, xataa murufkeeda waa borotiin, marka waa inaan soomaaliyey dib isugu laabanaa oon dib u qaabeynaa cuntooyinka aan ka sameyn karno dalagga aan beerno, kuwaasoo si fudud aan ku lumino nafcigooda aqoon darri awgeed.

FG: Warbaxintaani Waxaa Laga Soo Xigtay Website-ka Daryeelmagazine.com

MKRdezign

نموذج الاتصال

الاسم

بريد إلكتروني *

رسالة *

يتم التشغيل بواسطة Blogger.
Javascript DisablePlease Enable Javascript To See All Widget